504 Views

Ninka ugu cadcad inuu noqdo ra’iisul wasaaraha xiga ee waddanka Pakistan Shehbaz Sharif oo amaanay bilowga cusub ee uu dalku galayo

Ninka ugu cadcad inuu noqdo ra’iisul wasaaraha xiga ee waddanka Pakistan Shehbaz Sharif oo amaanay bilowga cusub ee uu dalku galayo
____________________________________________________________________________

Axad: April 10, 2022

 Ninka ugu cadcad inuu noqdo ra’iisul wasaaraha xiga ee waddanka Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa amaanay bilowga cusub ee uu dalku galayo kaddib markii baarlamaanka dalkaasi uu kalsoonidii kala laabtay Imran Khan.

Baarlamaanka ayaa Isniinta u codayn doona qofkii badeli lahaa Mr Khan.

Mr Sharif oo muddo dheer uu luullan kala dhaxeeyay ra’iisul wasaaraha awoodda laga tuuray, ayaa u muuqanaya inuu hubo inuu guulaysan doono.

Waxa uu sheegay in xulafadiisa cusub ay dib u dhisi doonaan Pakistan.

Mr Khan ayaa waxaa isaga tagay qaar ka mid ah xulafadiisa kuwaas oo ku eedeeyay dhaqaalaha sii liicaya ee dalkaasi.

Hasayeeshee Imran Khan ayaa sheegay inuu dhibbane u yahay mu’aamarad uu horkacayay Mareykanka sidoo kalana uusan aqbali doonin dowlad la soo waariday.

Taageerayaashiisa ayaa salaadda Makhrib kaddib waxa ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay taageero ugu muujiyaan Mr Khan, iyadoo la sheegay in qaar ka mid dibadbaxayaasha ay boolisku xireen.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post