540 Views

Cudurka cusub ee halka qof dilay balse laga cabsi qabo in uu dad badan galaafto

Cudurka cusub ee halka qof dilay balse laga cabsi qabo in uu dad badan galaafto
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

 Todobaadkiii la soo dhaafay Hay’adda badbaadada Caafimaadka ee UK ayaa ka warbixisay saddex xaaladood oo qandhada Lassa ah wuuxuuna fayraskan ilaa hadda galaaftay cunug yar oo markaas dhashay.

Cudurku wax uu ilaa hadda galaaftay hal qof, taas oo ah ilmo yar oo markaasi ku dhashay dalka Britian.

Waa kuwan waxa aad u baahan tahay inaad ka ogaato cudurkan laga baqayyo in uu badelo caabuqa Corona

Halkee ayuu asal ahaan ka yimid Cudurkan Cusub ee loo yaqaano Lassar fever ama Xummadda Lesser?

Sida laga soo xigtay bogga Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka xumadda Lesser waa cudur ka yimid dhanka xoolaha oo kuna dhaca xoolaha kunool dalalka Galbeedka Afrika sida Sierra Leone, Liberia, Guinea, iyo Nigeria.

Cudurkan waxaa sababa fayraska Lassar oo loogu magac daray magaalada Nigeria ku taala, halkaasoo markii ugu horreysay laga soo sheegay 1969-kii.

Fayrasku waxa uu gaar ahaan ka yimid dooli Afrika ku nool oo dadka qaar ay cunaan.

Jiirka Afrika kunool ayaa si caadi ah looga helaa qaybaha kale ee wadamadda Afrika halkaas oo uu fayraskan Lassar si fudud ugu sii faafi karo dhamaan waddamadda .

Shabakadda Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka waxay sheegeysaa in wadamada deriska la ah waddamada Galbeedka Afrika ay halis ugu jiraan in uu ku faafo caabuqa uu keeno fayraska Lassar.

Maadaama dooligu uu jecel yahay in uu ku faafo meelaha u dhow goobaha dadku deggen yahay, waxay u gudbin karaan fayraska bini’aadamka iyaga oo wasakheeyn kara cuntada ama xitaa toos u wasakheeyo goobaha cuntooyinka lagu karsado.

Bini’aadamku waxay ku qaadi karaan fayraska Lassa marka ay neefsadaan qayb ka mid ah fayraska ama qaadashada cuntada wasakhaysan ee fayrasku saameeyay.

Marka qofka qaado, fayrasku wuxuu u sii gudbin karaa qof kale hadii ay isweydaarsadaan dareeraha jidhka sida candhuufta ama qofka uu soo gaaro dhiigga qofka cudurkan qaba, unugyadda, ama saxarada qofka qaba ayaa sidoo kale laga helaa cudurka.

Bukaanada joogaa dalka Uk oo cudurkan hada la il daran ayaa waxaa ay dhawaan safar ku tageen wadamada Galbeedka Afrika.

Hadaba maxay yhiin calaamadaha lagu karan karo qofka qabo vayruska Lassa?

Calaamadaha xumadda Lassa ayaa waxaa qofka lagu arkaa toddobaad ugu horeeya ama ilaa iyo saddex toddobaad marka uu qofka ku dhaco, calaamaduhu intooda badan waa kuwo fudud waxaana kamid sida qandho yar , daal, iyo madax xanuun.

Qiyaastii 20 boqolkiiba dadka uu ku dhaco cudurkan waxaa suura gal ah in ay isku arkaan dhibaato dhanka neefsashada ah, matag soo noqnoqda, barar wajiga ah, xanuunka lab xanuun ,dhabar xanuun, dhiigbax, dhiigbax gudaha ama dibadda ah oo ka yimaada indhaha, sanka, ama cirridka.

Cudurkan ma waxa uu noqon doonaa cudur dunida saameyn ku yeesho sida Corona oo kale ?

Nasiib wanaag, cudurku uma fido si dhakhsi aha sida coronavirus oo kale , oo aan wali la rajeyneyno in laga soo kabsano.

Iyadoo qof-ka-qof u gudbintu ay suurtogal tahay, waxay sidoo kale u baahan tahay in labada qof ay is-dhaafsadaan dareeraha jidhka, taas oo aan caadi ahaan ku dhicin xaaladaha caadiga ah.

Xaaladda qoyska dhalay canugii dhawaan dhashay oo u dhintay cudurkan oo ku nool U.K oo labaaraay ma muujin in caabuqu uu ku sii fiday iyaga sidoo kale Shaqaalaha isbitaalkaasi lagu daweynayay willka dhintay ayaa loo sheegay in ay galaan karantiil muddo laba toddobaad ah.

Sideed kiis oo ah fayraska Lassa ayaa ilaa iyo 1980-meeyadii lagu arkay wadanka UK, iyadoo labadii kiis ee ugu dambeeyay la arkay sanadii 2009. Khatarta guud ee dadweynaha waa mid aad u hooseysa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post