1137 Views

Xildhibaan Jeesow “Suldaan Rashiid waxaa lagu dilay qori AK ah, Qori AK-ahna Shabaab Kismaayo maku heysan karaan”

Xildhibaan Jeesow “Suldaan Rashiid waxaa lagu dilay qori AK ah, Qori AK-ahna Shabaab Kismaayo maku heysan karaan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo waxa ay sheegayaan in goordhow uu Isbitaalka ugu geeiryooday dhaawac daran oo soo gaaray Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), kaasoo ahaa Suldaankii Beesha Samaale.

 

Geerida Suldaanka waxaa Mustaqbal u xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka, isagoo mas’uuliyada dilkaasna dusha u saariyay maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

 

Rag hubeysan ayaa marxuumka waxa ay ku toogatay Isgoyska Caasha Deerow ee xaafadda Dalacaadda, xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaadii maqrib.

 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow waxa uu sheegay in hubka loo adeegsaday dilka Suldaanka uu ahaa qori AK47 ah, isagoo tilmaamay in Shabaab ku dhiiran Karin iney qori ku dhex sitaan Kismaayo, iyadoo rasaasta lagu toogtay marxuumka ay Saddex qof oo kale dhaawacyo ku noqdeen.

 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in marxuumka uu u geeiryooday arrimaha doorashooyinka ee ka jira magaalada Kismaayo, wuxuuna dowladda ka dalbaday iney baaritaano dhaba ku sameyso qaabka dilka uu u dhacay.

 

Geerida Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure),ayuu tilmaamay inaan la isaga hari doonin, isagoo ku sifeeyay marxuumka ruux noloshiisa ku soo qaatay isu keenida dadka Jubaland, balse Caawa dad Cadaw ah ay dileen.

 

Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire ayaa waxaa uu maalmo ka hor uu warbaahinta ka weeraray Maamulka Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona ku eedeeyay inay afduubteen doorashada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment