321 Views

Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo maanta lagu soo gabagabeynayo Aljeeriya

Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo maanta lagu soo gabagabeynayo Aljeeriya
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 2, 2022

Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta gaar ahaanna meertada 31-aad ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya.

Shirka waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amniga, Abaaraha iyo dardargelinta kulamada ururkaan oo 3dii sano u dambeeyay aanay dhicin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka qeyb galay ayaa ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo Xaaladaha Soomaaliya gaar ahaan Amniga, Bani aadamnimada, la dagaallanka Al-shabaab iyo xoojinta Cilaaqaadka Dowladdiisa ay la wadaagto waddamada Ururkaan ku bahoobay.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganaa Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeeshay Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post