1380 Views

20 Falastiin ah oo ku dhintay Weerar Israa’iil ka fuliyeen gudaha dhulka Falastiin

20 Falastiin ah   oo  ku dhintay   Weerar Israa’iil ka fuliyeen gudaha dhulka Falastiin
____________________________________________________________________________

May 11,  2021

Ku dhawaad  20 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo kalena waa ku dhaawacmeen weeraradii u dambeeyay ee ciidamada Israa’iil ka fuliyeen gudaha dhulka Falastiin, gaar ahaanna masjidka Al-Aqsaa.

Mas’uuliyiinta Caafimaadka marinka GASA, ayaa laga soo xigtay in dhimashadu marayso 20 ruux, halka dhaawacuna gaaray 822 qof, kuwaas oo u badan haween iyo carruur da’ yar.

Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa ku guul-darraystay in ay qaraar midaysan ka soo saaraan, kadib markii dowladda Maraykanku ay codka qayaxan ku diiday in Israa’iil la cambaareeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post