804 Views

Ciidamada Itoobiya oo ku diley 26 dagaal yahan gobolka Oromada

Ciidamada Itoobiya oo ku diley 26 dagaal yahan gobolka Oromada
____________________________________________________________________________

Arbaco : June 23 2021

Ciidanka booliiska ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa diley 26 dagaal yahan, kuwaasoo isku dayayey iney carqaladeeyaan habsami u socodka doorashadii dhacdey 21-kii June.

Dagaal yahanadan ayaa soo weerarey goobaha kala ah Jimma, Borena iyo Guji, kuwaasoo ah dhammaantood goobo uu ku xoog badan yahay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Dagaal yahanadan ayaa la rumeysan yahay iney katirsan yihiin jabhadda Oromada ee (OLF) Shene Group, taasoo qaadacdey iney ka qeyb gasho doorashada.

Gobolo kala duwan oo ay ka dhici laheyd doorashada ayaa dib loo dhigey sababo ammaan darteed, iyadoo lagu wado iney ka qabsoonto dhawaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post