1911 Views

Dacwad laga gudbiyey Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuxigeenkiisa

Dacwad laga gudbiyey Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuxigeenkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 26, 2019 —Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa la soo gaarsiiyey dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Ware iyo kuxigeenkiisa Cali guudlaawe Xuseen,waxaana dacwadaas gudbiyey 11 Xubnood oo ka mid ahaa  Wasiirada hore ee Hir-Shabeelle.

 

Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta dacwada gudbiyey ayaa waxaa ay sheegeen inay dacwada la xiriirta inay ka maqan tahay xaquuq mushaari ah oo ay ku leeyihiin Madaxda Hir-Shabeelle,isla markaana ay cabasho ka yihiin.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanaha Hir-Shabeelle Dr Xuseen Cismaan Cilmi oo ka mid ah Xubnaha dacwada gudbiyey ayaa sheegay in dacwadaas ay soo martay heerar kala duwan,isla markaana shalay ay gaartay Maxkamada Sare ee dalka,sidoo kalena Maalinta Isniinta ah dacwada la guda geli doono.

 

Waxa uu sheegay in dhamaan Xubnaha Dacwada gudbiyey ay Shaqeynayeen mudo 15 Bilood,isla markaana aysan helin wax mushaar oo xaquuqdoodii ay ka maqan tahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment