1029 Views

Dowladda Holland oo aqoonsatay Baasaboorka Shaqada iyo Diblomaasiga ee Soomaaliy

Dowladda Holland oo aqoonsatay Baasaboorka Shaqada iyo Diblomaasiga ee Soomaaliy
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2019–Dowladda Holland ayaa aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga, gaar ahaan kan Shaqada ee loo yaqaano Servive iyo Diblomaasiga, iyadoo lagu geli karo dalkeeda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorada Diblomaasiga iyo Shaqaalaha ee Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu Cali Saciid Fiqi.

 

Dalal dhowr ah ayaa horay u aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya, waxaana dhowaan dowladaha Belgium iyo Luxemburg ay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliga, gaar ahaan Diblomaasiga iyo Service.

 

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waday dadaalo lagu horumarinayay Baasaboorka Soomaaliga, una heli lahaa aqoonsi caalami ah oo lagu tagi karo dhammaan dalalka Adduunka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment