687 Views

Jacob Zuma oo isku dhiibay booliska Xalay

Jacob Zuma oo  isku dhiibay booliska  Xalay
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Madaxweynihii hore ee South Africa Jacob Zuma ayaa isku dhiibay booliska xalay , si ay ugu billaabto 15 bilood oo xabsi ah, taas oo uu ku muteystay amardiido uu ku sameeyay maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas.

Afhayeenka booliksa Lirandzu Themba ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Zuma uu ku jiro gacanta booliska.

Maxkamadda ayaa Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah toddobaadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu diiday amarkii horraantii bishii Febraayo, kaas oo ahaa inuu horyimaado maxkamadda si loo tusiyo caddeymo la xiriira baaritaanka musuqmaasuqa sagaalkii sano ee uu xukunka hayay. Baaritaanka waxaa hoggaaminaya ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud Raymond Zondo.

Waaxda Ciidamada Asluubta ayaa iyana bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Zuma la geeyay Xarunta Asluubta ee Estcourt oo qiyaastii 175 kilo mitir u jirta tuulada uu deggan yahay ee Nkandla ee bariga South Afrika. Telefishanka dalkaas ayaa si toos ah u baahiyay muuqaalo muujinaya garigii uu saarnaa oo gelaya xarunta.

Booliska ayaa la amray inay soo xiraan ugu dambeyn Arbacada haddii uu soo xaadiri waayo saldhig boolis kan ugu dhow, laakiin wuxuu ugu dambeyn Zuma oo 79-jir ah go’aansaday inuu is dhiibo.

Boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa oo qaarkood ay ku hubeysnaayeen qoryo, waranno iyo gaashaan ayaa isugu soo baxay meel u dhow gurigiisa, si ay isugu dayaan inay ka hortagaan xarrigiisa.


Zuma ayaa waxbakama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo heysto ee jiritaanka musuqmaasuq baahsan intii uu ahaa madaxweynaha, wuxuuna Axaddii soo saaray qoraal diidmo ah, isagoo eedeyn kulul u jeediyay garsoorayaasha, isla markaana bilaabay is hortaag dhanka sharciga ah oo la xiriirta xarigiisa.

Xigasho: Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post