462 Views

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Jaaliyadaha Soomaalida Netherland [Sawirro]

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Jaaliyadaha Soomaalida Netherland [Sawirro]
____________________________________________________________________________

Arbaco, 12 Oktoobar [Qaranimo Online] Wefdi uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe] oo shalay soo gaaray waddanka Netherlands, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa  Vera Bergkamp ayaa xalay Magaalada De Heeg kula kulmay xubno ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida & madaxdooda.

Kulankan, oo ahaa mid is-xog-iswareysi ahaa, waxaa soo qabanqaabiyay safiirka Soomaaliya ee waddamada Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaashiin Xaashi & Dalladda FSAN ee fadhigeedu yahay Amsterdam, ahna dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaaliyeed oo ka dhisan Netherlands.

C/wahaab Yariisow oo ka tirsan Guddiga FSAN oo ugu horreeyn kulankaasi ka hadlay ayaa si guud ugu sharxday wefdigii Guddoomiyaha xaaladda Soomaalida ku dhaqan Netherland & doorkooda ku aadabn sidii ay kaga qeybqaadan lahaayeen Dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaalida Holland ay caan ku yihiin in ay si midnimo leh kaga qeybqaataan sidii loo soo celin lahaa haykalkii Dowladnimada Soomaaliya.

“Guddoomiye, mushtamaca Soomaaliyeed ee ku dhaqan Netherland waa mushatamac  jecel in Dowladnimo taam ah dalkoodu ka hana-qaado, waxaan ku boorineynaa Dowladda cusub ee aad adigu hormuudkeeda ka mid tahay ilaalinta sharciga & in ummadda loogu khidmeeyo si cadaalad ah” Ayuu yiri C/wahaab Yariisoow.

Zahra Siyaad Naaleeye oo dallada FSAN u qaabilsan arrimaha bulshada, waxay ku dooday in la duudsiiyay haweenka kootadii ay Baarlamaanka ku lahaayeen, waxayna ka codsatay Guddoomiye Aadan Madoobe sidii loo sixi lahaa qaladaadkii dhacay.

“Waxay ii tahay fursad qaali ah inaan halkan ka caddeeyo in lagu xagudbay awood qeybsigii kuraasta baarlamaanka, oo aan haweenka la siin kootadii ay xaqa u lahaayeen ee markii horeba ay saluugsanaayeen. Guddoomiye, waxaan kaa codsaneynaa inaad arrintaasi sixitaankeeda u howlgasho” Ayeey tiri Zahra Siyaad Naaleeye.

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali [Nuune] oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii madashaasi ka hadlay, wuxuu sheegay isaga oo ku hadlayay magaca guud ahaan mushtamaca Soomaalida & kan dalladda FSAN inuu ku soo dhoweynayo wefdiga Guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Netherlands.

“ Guddoomiye adiga & wefdigaaga lu soo dhowaada Netherland.  Waxaan soo dhoweyneynaa Dowladda cusub, waxaan rajo ka qabnaa Madaxweyne Xassan & RW Xamza in iyaga oo ka faa’ideysanaya khibradooda siyaasadeed in ay dalka u jiheeyaan nidaam Dowladeed oo ku dhisan isla xisaabtan &  sareynta sharciga” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuu intaasi ku daray in dalkan Holland ay joogaan aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh taqasusyo kala duwan, kuwaas oo doonaya in  khibradooda ay bilaa shuruud kaga qeybqaataan hannaanka Dowladeed ee dalka.

“Madaxda Dalka & cid kasta oo ka tirsan howl-wadeenada Dowladda waa shaqaale ummadeed, waajibaadkooduna wuxuu ku jaan go’an yahay waxa Dastuurka ku qoran, Baarlamaanka maadaama uu yahay awooddii sharci dejinta & ilaalinta, waa in ay si cadaalad ah ula xisaabtaan hay’adaha Dowladda” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis oo hadalka qaatay, wuxuu dhinaciisa kaga warbixiyay wefdiga Guddoomiyaha sida ay safaaradiisu isugu howshay isku duba-ridka dadka Soomaaliyeed ee “illite” ka ah ee ku dhaqan Biljamka & Holland, iyada oo ujeeddada lagaga gol-leeyahay na ay tahay in la helo dad Soomaaliyeed oo waxtar u leh in ay ka qeybqaataan dedaaladda ay Dowladdu hormuud-ka ka tahay ee dhinacyada abaaraha & la-dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo gebagebadii kulanka hadlay wuxuu sharaxay dedaaladda ay dowladdu wado ee ku aadan la dagaalanka & cirib-tirka kooxda Alshabaab, sida uu sheegay & in gurmadka abaaraha.

“Dowladdu waxey la kowsatay dagaalo lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada, dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ku boorinayaa in loo midoobo sidii Alshabaab la isaga qaban lahaa” Ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe, wuxuu intaasi raaciyay in ay muuqato iftiin & rajo sidii Dowladnimadu u guuleysan laheyd.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post