1731 Views

SAWIRO;-Maamulka Gobalka Banadir Oo Maanta Kuwareejiyey Dadkii Lahaa Dhul Si Sharcidaro ah Loohaysatay

SAWIRO;-Maamulka Gobalka Banadir Oo Maanta Kuwareejiyey Dadkii Lahaa Dhul Si Sharcidaro ah Loohaysatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2019–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng C.raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ay weheliso Guddoomiyaha Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali ayaa Maanta Hooyo Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Madiina C.llaahi Maxamed ku Wareejiyay Guri ay laheyd oo Mudo dheer laga haystay.
Maamo Madiina C.llaahi oo la hadashay Saxaafadda ayaa Mahadcelin iyo Bogaadin u jeedisay Maamulka Gobolka Banaadir oo suuro geliyay in ay dib u hesho Gurigeedii Muddo dheer kadib ay usoo celiyeen maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali oo dhankeeda hadal kooban ka jeedisay Munaasabadda Gurigeeda lagula Wareejinayay Maamo Madiino ayaa Xustay in Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay in ay Xaquuqda ka maqan ay helaan dadka ku nool Casimadda Muqdisho.

Duqa Mudisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng C.raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in dadkii haystay Gurigaan Maanta la Wareejiyay ay Baneeyeen kadib markii wada-hadal iyo Iscafin intaba ay dhexmartay Labada dhinac.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment