753 Views

Ku dhawaad 10 ruux oo lagu dilay Burkino Faso

Ku dhawaad 10 ruux oo lagu dilay Burkino Faso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 03, 2021–Sideed qof oo uu kujiray wiil dhalinyaro ah, ayaa lagu dilay Goob macdanta laga qodo oo ku taal Burkina Faso, kadib markii ay soo weerareen koox  burcad ah sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka ee dalkaasi.

Burcad ayaa weerartay goobta Djikando oo kutaala koonfur galbeed Burkina Faso, waxayna qiyaastii 10 kiiloomitir u jirta magaalada Gaoua, sida mid kamida ah sarkaal bilayska u sheegay Wakaalada AFP.

“Burcadda ayaa rasaas furay  markii hore waxay toogteen, ka dibna waxay bartilmaameedsadeen macdan qodayaasha,” ayuu yiri, isagoo ka gaabsaday magaciisa in uu sheego

Dhanka kalane Isku dhacyo ayaa dab lagu qabad siiyay guryo,kadib markii dad caraysan  ay dhismayaal macdanta laga baaro gubeen, iyaga oo ku eedeyay dowlada dhankeeda i uu gaabis ka jiro.

“Guud ahaan, sideed qof ayaa la dilay, oo uu kujiro wiil iskuulay ah oo 15 jir ahaa,” ayuu yiri sargaal ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Agaasimaha adeegyada daaweynta ee isbitaalka dhexe ee Gaoua, Dr. Florent Roch Banazaro, ayaa sheegay in 29 qof laga daweynayo dhaawacyo, “inta badan waxaa sababa qoryaha iyo baangadaha.” Ayaa uu yiri.

Dacwad oogaha guud ee magaalada Gaoua, Cheik Alfa Aboubakar Compaore, ayaa xaqiijiyay dhimashada si hor dhac ah sideed qof iyo in “qaar lagu dilay rasaas qaarna lagu dilay baangado.”

Macdanta Dahabka ayaa dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay noqotay hawl istiraatiiji ah oo ka jirta Burkina Faso, oo ah waddan sabool ah oo ay ku nool yihiin 20 milyan oo qof oo dhaqan ahaan ku tiirsan dhoofinta suufka.

Burkina Faso ayaa waxaa soo food saaray weeraro jihaadiyiin ah tan iyo 2015, oo ay ku nafwaayeen in ka badan 1,200 oo qof, in ka badan hal milyan oo qofne ay ka qaxeen  guryahoodii.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post