855 Views

Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka digtay afduubka maalmahan ku soo kordhay Degaanadaas iyo Gaadiidkii oo Xayirmay.

Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka digtay afduubka maalmahan ku soo kordhay Degaanadaas iyo Gaadiidkii oo Xayirmay.
____________________________________________________________________________

Febarayo   28 /2/ 2021

waxaa joogsaday isu socodka Gaadiidka Degmooyin katirsan Gobollada Galgaduud & Mudug sabab la xiriirta cabsi ka dhalatay Dagaal Beeleedyo, Afduub & Jidgooyooyin ay dhigteen maleeshiyaad hubeysan.

Dadka ayaa ka cabsi qaba afduub todobaadyadii la soo dhaafay kusoo kordhay Deegaannada maamulkaas oo marka lacag madax furasho ah laga qaato dib xorriyadooda loo siiyo, meelaha qaar waxaa ku kordhay dilalka aanooyinka la xiriira & isku dhacyada Beelaha.

Wasaaradda Amniga DG Galmudug oo dhawaan sheegtay in ay gacan adag ku qabaneyso dhibaatooyinka cusub ee soo kordhay ayaa dadka ku howlan arrintaan uga digtay in ay ku dhiiradaan, waxaana ay sheegtay in cadaaladda la horgeynayo qofkii lagu soo qabto falalkaan.

Guriceel & Xeraale waxaa ku xayiran Gawaari labada dhinac isaga kala gudbi rabtay, qaarkood ayaa dib ugu laabtay Degmada ay ka tageen kadib markii lagu wargeliyay in wadada dhexe ay joogto maleeshiyo hubeysan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post