4227 Views

Wariye lagu dhaawacay Gaalkacyo

Wariye lagu dhaawacay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 23, 2018 –Sidda  ay Qaranimo Online  u sheegeen Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland waxaa halkaasi lagu dhaawacay Wariye Maxamed Cali Siyaad.

Maxamed Cali Siyaad ayaa ah Agaasime ku xigeenka Idaacadda Radio Gaalkacyo oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu ka mid ahaa Koox wariyeyaal ah oo casuumay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Mudug, si uu u bixiyo Wareysi ku saabsan Ammaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay markii ay tageen halkaasi in dhagax weyn in uu Madaxa kaga dhuftay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland.

Qeybta Sare Madaxa ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac, waxaana la sheegay in hadda Xaaladiisa Caafimaad ay wanaagsan tahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment