777 Views

Puntland oo ka hortimid qiimaha xajka ee la kordhiyay

Puntland oo ka hortimid qiimaha xajka ee la kordhiyay
____________________________________________________________________________

Puntland ayaa ka hortimid qiimaha ay dowladda Soomaaliya sannadkan u jaan-goysay tegidda Xajka kaas oo dhan $5,230 Dollar.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda Puntland Maryan Maxamed Abshir oo hadal kooban siisay warbaahinta ayaa ku baaqday in isbeddel lagu sameeyo qiimahaas.

Waxa ay sheegtay in go,aankaasi uu ahaa mid ay qaadatay dowladda dhexe ee Soomaaliya ee oo kaliyah.

Agaasime Maryan ayaa sheegtay in aysan dadka Soomaaliyeed awoodin qiimaha intaas le’eg islamarkaana dowladda laga sugayo in ay isbeddel ku samayso.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post