102 Views

11-Eedeysane oo loo qabtay weerarkii lagu qaaday xulka Koofur Galbeed

11-Eedeysane oo loo qabtay weerarkii lagu qaaday xulka Koofur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 1-eedeysane loo qabtay weerarkii 12-dii bishan lagu qaaday xulka Koofur Galbeed, xilli ay ka soo laabteen cayaartii ay la dheeleen xulka Galmudug saacaddu markii ay aheed 5:45pm, iyaga oo ku wajahan hoyga ay Muqdisho ka daganaayeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in eedeysanayaasha oo ka kooban 9-rag ah iyo 3-dumar ah loo hayo caddeymo horudhac ah inay ku luglahaayeen weerarka cayaartoyda.

Hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidanka sirdoonka iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa suura geliyey in kiiskaas loo soo qabto eedeysanayaashan oo la horkeeni doono cadaaladda

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post