852 Views

Madaxweynaha Hirshabellee Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday guddomiyaha guddiga doorashada Hirshabelle Axmed Xasan Diini

Madaxweynaha Hirshabellee Cali Guudlaawe oo  xilka ka qaaday guddomiyaha guddiga doorashada Hirshabelle Axmed Xasan Diini
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Madaxweynaha Hirshabellee Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddomiyaha guddiga doorashada Hirshabelle Axmed Xasan Diini, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada maamulkaas Axadda maanta ah.

Warsaxaafadeedkan oo sidoo lagu sheegay in Axmed Diini laga qaaday xubinnimadiisii guddiga ayaa lagu yiri ” Waxa uu ka leexday habsami u socodka habraaca doorashada 2021/2022, khatarna galiyay amniga xubnaha guddiga iyo goobta doorashada.”

Bayaanka ayaa intaa ku daray in xilka guddoomiyaha guddiga doorashada loo magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi) oo ka tirsanaa guddiga doorashada.

Magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Hirshabelle ayaa waxaa weli ka socota doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, iyada oo dhowr jeer oo hore dib loo dhigay qaar ka mid ah doorashada kuraasta.

Doorashada maamulka Hirshabelle ayaa waxaa dhameystirkeeda ka harsan toddoba kursi oo taal Beledweyne iyo shan kale oo deegaan doorashadoodu ay tahay caasimadda Jowhar.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post