291 Views

Wada-hadalladii Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo natiijo la’aan ku dhamaaday

Wada-hadalladii Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo natiijo la’aan ku dhamaaday
____________________________________________________________________________

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Maanta inay bur bureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI.

Shir jaraa’id oo ay Maanta siwadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ayaa waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uu mas’uul ka yahay inay bur buraan wada-hadallada Xukuumadda iyo mucaaradka.

Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in wada-hadallada labada dhinac oo maalmahaan hakad kujiray ay wax ka weeydiiyeen gudoomiyeyaasha Golaha Wakiilada iyo guurtada, balse ay u sheegeen in wax natiijo ah aysan kala imaan madaxweynaha, isla markaana uu u sheegay in uu sharci ku taagan yahay.

Waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uusan heyn cid katirsan Somaliland oo uu ku kalsoon yahay , balse kaliya uu isku heysto in wixii uu sheego ay sharci yihiin.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Xukuumadda madaxweyne ee waqtigeeda uu dhamaaday ay tahay waxa ay waddo mid sharci darro ah, isla markaana ay ku doodayaan waxyaabo aan suurto-gal aheyn.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post