753 Views

Galmudug oo Gacanta ku dhigtay Nin dil ka geystay Waqooyiga Gaalkacyo

Galmudug oo Gacanta ku dhigtay Nin dil ka geystay Waqooyiga Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 06, 2021 —Ciidanka Booliska gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo Galmudug oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay soo qabashada nin dil ka gaystay Magaalada Gaalkacyo, iyada oo lagu wareejiyay laamaha Amaanka Puntland.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug Cali Xersi Sahal ayaa sheegay in soo qabashada Ninkaan dilka kasoo geystay Waqooyiga Gaalkacyo, kaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Muuse Jaamac ay keentay wadashaqeyn dhex-martay laamaha Amniga labada maamul.

Waxa uu hdalkiisa uu intasi ku daray in Ciidamada Booliska Galmudug & Puntland ee Gaalkacyo uu ka dhaxeeyo iskaashi dhanka amniga ah, isla markaana ay siwadajir ah uga hortagayaan cid kasta oo lagu arko waxyaabo lidi ku ah amniga.

Taliyaha howlgelinta magalada Gaalkacyo qeybta Puntland Carab Dhuubane ayaa dhankiisa u mahad celiyay Ciidamada Booliska Galmudug ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu sheegay inay Ciidamada labada maamul siwadajir ah u howlgeli doonaan.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab, hayeeshee ay howlgallo joogto ah ka sameeyaan Ciidamada Booliska Maamulada Galmudug & Puntland.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post