270 Views

Shir madaxeedka Carabta oo lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin heshiiskii dhex maray Israel iyo 4 dal oo Carbeed

Shir madaxeedka Carabta oo lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin heshiiskii dhex maray Israel iyo 4 dal oo Carbeed
____________________________________________________________________________

Khamiis:NOVEMBER 3, 2022

Dalka Algeria waxaa lagu soo gebagebeeyey shir madaxeedkii 31aad ee dalalka Carabta, iyaga oo doonayey inay soo afjaraan arrimo ay ku kala aragti duwanaayeen oo ka jira bariga dhexe iyo Afrika. Kulankan ayaa lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, wax ka qabashada sicir bararka sii kordhaya, cunto yarida, shidaal yarida, abaaraha iyo sare u kaca ku yimi heerka nolosha ee guud ahaan gobolka.

Boqorada, Amiirada, Madaxweynayaasha iyo Ra’iisul wasaarayaasha ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo xasaasiya, oo ay ku jirto, xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay yeesheen dalka Israel iyo afar dal oo carbeed.

Algeria, oo ay weheliyaan dalalka kale ee Carabta, ayaa weli si weyn uga soo horjeeda heshiisyada isdaba jooga ah ee dib loogu soo celinayo xidhiidhka, kaas oo ay wada galeen Israel iyo dalalka Carbeed ee kala ah Imaaraatka Carabta, Bahrain iyo Morocco. Sudan ayaa sidoo kale ogolaatay inay xidhiidh la samaysato dalka Israel.

Madaxweynaha dalka Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa ku boorriyey dalalka Carabtu inay garab istaagaan Falastiiniyiinta halganka kula jira Israel, isagoo sheegay in dareenka bulshada carabta iyo beesha caalamkuba inuu u jeestan xiisadaha ka jira meelo kale.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dhibaatooyinka cunto yarida iyo shidaal yaraanta, oo uu saamayn xun ku yeeshay dagaalka Ruushka ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa saamayn adag ku reebay dalalka Masar, Lubnaan, Tunisia iyo dalalka kale ee carbeed, kuwaas oo haatan la baaxaa degaya inay helaan sareen ku filan oo ay debedda ka keensadaan, si ay cunto ku filan ugu helaan shacabkooda.

Shirka ayaa sidoo kale lagaga hadlay, xaaladda abaareed ee daran ee ka jirta Soomaaliya, taas oo keentay in qaybo ka mida dalka Soomaaliya inay haatan qarka u saaran yihiin inay macaluuli ka dillacdo.

Associated Press

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post