1329 Views

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Rooble oo xil u magacabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobel

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Rooble oo  xil u magacabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobel
____________________________________________________________________________


Sabti: October 23, 2021

 Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xil u magacabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), kadib markii uu fashilmay isku daygii loogu magacaabay taliyaha NISA.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Rooble ayaa Bashiir Goobe loogu magacaabay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa waxay qeyb ka aheyd heshiiskii ay dhawaan gaareyn isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo lagu soo afjaray khilaafkii mudada u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey Bashiir Goobe ugu magacaabay taliyaha ku-meel gaarka ah ee Hey’adda NISA, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna xilkaas u magacaabay Yaasiin Farey.

https://b6aca31bcf52db48094c6d80c3699387.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa muddo socda, waxaana ugu dambeyn loolanka ku adkaaday Farmaajo ayada oo taliyaha NISA uu sii hayo Yaasiin Farey illaa laga soo magacaabayo taliye kale, oo aan la ogeyn xilliga ay dhaceyso.

Rooble ayaa la rumeysan yahay inay cadaadisay dowladda Qatar kadib socdaalkii uu ke tagy dalkaas, taasi oo horseeday inuu ugu dambeyn la heshiiyo Farmaajo, oo uu ogolaado inuu ka tanaasulo xilkii uu u magacaabay Bashiri Goobe.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed  Xuseen Rooble  ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post