798 Views

Cinwaannada Twitter-ka madax uu ka mid yahay Obama oo la jabsaday

Cinwaannada Twitter-ka madax uu ka mid yahay Obama oo la jabsaday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 16  2020–Maal qabeennada dunida ugu taajirsan Elon Musk, Jeff Bezos iyo Bill Gates ayaa ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah ee dalkaasi Mareykanka oo cinwaannadooda Twitter-ka la jabsaday.

Siyaasiyiinta caanka ahaa ee cinwaannadooda Twitter-ka la jabsadayna waxaa ka mid ah Barack Obama, Joe Biden iyo Kanye West iyaga oo cinwaannadooda lagu dalbaday in tabarruc lacageed la sameeyo.

“Cid walba waxay i weydiineysaa inaan u soo celiyo,” farriin barta Twitter-ka Bill gates la soo dhigay ayaa waxay leedahay. “$1000 doolar ii soo dir anna waxaan ku soo dirayaa $2,000 oo doolar.”

“Waa wakhti nagu adag ka Twitter ahaan, waxay noo ahayd maalin adag u ahayd oo ay ku wareereen sida ay wax u socdaan, waxaanna dareemeynay welwel aad u weyn” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Twitter-ka Jack Dorsey.

“Hadda waxaynu wadnaa baaritaan aan ku ogaaneyno waxa dhacay iyo sida ay wax udhaceen waana la wadaagi doonnaa macamiishayada balse weli waxaan u baahannahay inaan si buuxda u ogaanno waxa dhacay” ayuu Mr Dorsey.

Mar sii horreysay, Twitter ayaa qaaday tallaabbooyin aan caadi ahayn oo uu ku joojinayo akoonnada badan oo sax ah oo ay calaamadda buluugga saaran tahay.”

Waxay shirkaddu sida oo kale joojisay codsiyada la xidhiidha in furaha cinwaannada la beddelo iyo in cinwaannada shaqeynaya la joojiyo iwm.

Barta Twitter-ka dadka caanka ah ee jabsashada lagu bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah fannaanka Kanye west, wariyaha reality TV Kim Kardashian, madaxweynihi hore ee Mreykanka Barack Obama, Musharraxa madaxweynanimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden, hantiilaha dhinaca warbaahinta Mike Bloomberg iyo shirkadaha waaweyn ee ay ka mid yihiin Uber iyo Apple.

Waxaa sida oo kale la xiray barta Twitter-ka ololaha doorashada ee Biden “waxaa la xiray cinwaankaasi daqiiqado gudahood waxaana meesha laga saaray baraha Twitter-ka ee la xiriiray”.

Afhayeen u hadlay Bill Gates wuxuu wakaaladda wararka AP uu u sheegay “Arrintani waxay ka mid tahay arrimaha waaweyn ee ay Twitter wajaheyso.”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post