249 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh” Halganka dalka looga saarayo AS waa go’aan wanaagsan oo ay qateen madaxda iyo shacabka Galmudug”

Madaxweyne Xasan Sheekh” Halganka dalka looga saarayo AS waa go’aan wanaagsan oo ay qateen madaxda iyo shacabka Galmudug”
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab  ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan

dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.”

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer  federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post