621 Views

Ciidamada Dowladda oo sameeyay Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda oo sameeyay Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 18, 2022

Ciidanka Kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo  lagu dilay horjoogayaal iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-shabaab  ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Dowladda ayaa shegay in Degaankan ay Kooxda Al-Shabaab ku lahayeen bar kantaroon oo ay lacag baad ah uga qaadan shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhan sakawadka, oo laga soo uruuriyo shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalkan ayaa intii u socday waxa  ay shegeen Ciidamada Dowladda in ay ku  dileen 5 xubnood oo uu ka mid yahay Horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka ay shegeen in lagu soo qabtay mid ka mida Argagixisada isla markaana waxa laga soo qaatay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida U Xaqiijiyey  Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab.

Ciidamadda dowladda ayaa sheegay in Hawlgalkani Qayb ka yahay Hawlgalada Guud ee lagu baacsanayo xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post