1170 Views

Erdogan oo isu muujinayay in uu yahay hogaamiye si weyn u diiddan duqeymaha ay Israa’iil ka waday Gaza

Erdogan oo  isu muujinayay in uu yahay hogaamiye si weyn u diiddan duqeymaha ay Israa’iil ka waday Gaza
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Xilli uu madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, isu muujinayay in uu yahay hogaamiye si weyn u diiddan duqeymaha ay Israa’iil ka waday Gaza, ayaa Masar waxa ay muujisay in ay tahay dalka galaangalka ugu weyn ku leh dhinacyada ay colaaddu ka dhexaysay, isla markaana gacan weyn ka geysatay xabbad joojinta dhawaan dhaqan-gashay.

Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh madaxda ururka Xamaas ee gacanta ku haya Gaza, balse markii uu socday dagaalkii 2014, Ankara iyo Dooxa ayaa isku-dayay in ay ururkaas ku qanciyaan xabbad-joojin, tii oo uu markii dambe ka yeelay Masar.

Madaxa sirdoonka Masar, Cabbaas Kaamil iyo wasiirka arrimaha dibedda, Saamex Shukri ayaa hogaaminayay dedaallada xabbad-joojinta ee colaadda Gaza.

Maamulka Biden oo dhibsaday hadallada kulul ee Erdogan ayaa lagu soo warramayaa in uu Masar kala shaqeeyay sidii ay u guulaysan lahaayeen dedaallada xabbad-joojinta.

Erdogan ayaa jeediyay hadal kale oo Israa’iil lagu eedeynayo isagoo sheegay in dowladda uu hogaamiyo Netanyahu ay tahay argagixiso. Erdogan ayaa mar sii horreeysay lagu eedeeyay inuu isticmaalay erayo nacayb ku salaysan oo ka dhan ah Yahuudda.

Nooca xiriirka Xamaas iyo Masar

 

Xiriirka Xamaas iyo Masar ma aha mid ku salaysan kalsooni iyo iskaashi, balse waa mid ay labada dhinacba ku qasban yihiin. Xamaas waxa ay aad ugu rajo weyneyd dowladdii Maxamed Mursi. Balsetaa ma dhicin oo markii xukunka laga tuuray Mursi waxa ay milateriga Masar burburiyeen godadkii ay Xamaas ku lahayd dhulka hoostiisa ee ay alaabaha ku soo gashan jirtay.

Intii uu socday duulaankii ay Israa’iil ku qaaday Gaza 2014, Xamaas ayaa ku gacan-sayrtay dalab uga yimid Masar oo ahaa in ay joojiso xabbada. Waxa ay ku eedaysay Qaahira in aysan dhexdhexaad ahayn oo ay u janjeerto Israa’iil.

Xamaas ayaa markii dambe oggolaatay dhexdhexaadinta Masar, waxaana sidaa ku sii jiray xiriirka labada dhinac.

Dedaallada Erdogan

Madaxweynaha Turkiga ayaa si weyn uga hadlay colaadii u dambeysay ee Gaza. Waxa uu si joogta ah u cambaareynayay duqeymaha Israa’iil. Wuxuu billaabay dedaallo uu taageero uga raadsanayo dalalka Islaamka isagoo leh “waxaan ku martiqaadayaa adduunka oo dhan in ay tallaabo ka qaadaan weerarada Israa’iil”.

Wuxuu telefoonka kula hadlay hogaamiyaasha Qatar, Pakistan, Urdun, Kuwayt, Malaysia, Indonesia, Algeria, Uzbekistan, Kyrgyzstan, Afghanistan, Iraq, Nigeria, Libya, Oman iyo Russia.

Turkiga ayaa sidoo kale martiqaad kala laabtay wasiirka tamarta Israa’iil, Yuval Steinitz, kaasoo lagu waday in bartaaha June uu ka qeybgali kulan loogu magac daray Antalya Diplomacy Forum.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post