594 Views

Wasiir Beyle oo mar kale ZOOM-ka kaga qeyb galay Shirka Madaxda IMF iyo Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Afrika.

Wasiir Beyle  oo  mar kale ZOOM-ka  kaga  qeyb galay Shirka Madaxda IMF iyo Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Afrika.
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 20, 2021

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Duceele Beyle ayaa mar kale ka qeyb galay Shirka Madaxda IMF iyo Wasiirrada Maaliyadda ee Dalalka Afrika.

Shirkaan oo ku qabsoomay aalada foggaan araga ah ee ZOOM-ka ayaa waxaa diirada lagu saaray sare u qaadidda Dakhliga gudaha iyo ka soo kabashada saameynta dhaqaalaha Cudurka halista ah ee COVID-19 oo saameyn xoogan ku yeeshay Caalamka.

Wasiir Beyle oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Madaxda ka qeyb galay Shirka uu faah faahin ka siiyay siyaasadda Dowladda ee ka soo kabashada saameynta dhaqaalaha COVID-19 iyo go’aan ka joogtada ah ee sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo ah SHA ugu weyn dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxa aan markale goobjoog ka ahaa, kulanka Madaxda IMF iyo Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Afrika, Aniga oo matalaya Soomaaliya, waxa aan faah-faahiyay siyaasadda Dowladda ee ka soo kabashada saameynta dhaqaalaha COVID-19”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wuxuu intaaas kusii daray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda  xilgaarsiinta “Hanaanka dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya waa go’aan loo dhan yahay oo Soomaaliya gaarsiinaya isku-filnaan, haddii aan ku sii soconno WADDADA aan hadda saarannahay”.

Wasiir Beyle ayaa marar horey ka qeyb galay shirar looga hadlaayay dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka oo ay ku jirto saameynta uu ku yeeshay Cudurka halista ah ee COVID-19, waxaana shirarkaas goobjoog ka ahaa Madaxda IMF iyo Wasiirrada Maaliyadda ee Dalalka Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post