993 Views

Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Sabti: March 26, 2022

Waxaa faah-faahino laga helayaa dagaal geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay deegaanka Balibiri oo duleedka Waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada DG Galmudug.

Dagaalkaan ayaa la sheegay in uu dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo koox hubeysan oo la aamin san yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Ahlusunna.

Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya sida uu ku yimid dagaalka, balse waxaa la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Ururka Ahlu sunna ay weerar dhaba gal ah ku qaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo watay gaadiidka dagaalka islamarkaana ka baxay Xarunta Madaxtooyadda ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ee ka baxay Madaxtooyada ay doonayeen Askar la soo xiriirtay oo sheegay in dhanka Ururka Ahlusunna kasoo goosteen hase-ahaatee uu isku badalay Weerar dhabo gal ah kaas oo ka dhacay deegaanka Balibiri oo dhanka duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari ayaa ku geeryootay oo dhinacyada ka kale tirsan, waxaana ku dhaawacmay in ka badan, iyadoo warar ay sheegayaan in Ciidanka Ahlusunna ay gubeen Mid kamidaa 2- Gaari oo ay wateen Ciidamadda Dowladda ayna qaateen Qorigii ku xirnaa iyo 2 qoro oo Dabajeex ah.

Lamaaha amaanka Magaalada Dhuusamareeb kama aysan bixin wax faah-faahin ah dagaalkaan ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb iyo khasaaraha ka dhashay, balse waxaa lagu wadaa in ay ka hadlaan saacadaha soo socda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post