1389 Views

Dab khasaaro geystay oo ka kacay suuq ku yaal Magaalada Jigjiga

Dab khasaaro geystay oo ka kacay suuq ku yaal Magaalada Jigjiga
____________________________________________________________________________

Dabkaan oo geystay khasaaro isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa waxaa uu Maanta ka kacaySuuq ku yaalla Xaafada 7aad ee Magaalada jigjiga gaar ahaan Suuqa cusub ee loo yaaqaano taywanka.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dabka marka hore hal Dukaan uu ka bilaawday, balse markii dambe uu ku faafay goobo ganacsi oo kale, waxaana uu sababay geerida hal qof oo Ganacsade ahaa iyo gubashada Hanti farabadan

Xubno ka tirsan laamaha Amniga dowlad degaanka Soomaalidda oo uu horkacayo madaxweyne kuxigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax  iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada nool magaalada jigjiga ayaa tegay Suuqa dabka uu ka kacay, iyaga oo ku guuleystay inay demiyaan.

Mas’uuliyiinta laamaha Amniga ee dowlad degaanka ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro dad ku dhaawacmay dabka, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada HJigjiga si halkaasi loogu daweeyo, sidoo kalena ay wadaan baritaano la xiriira sababta keentay dabka.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale uu dab geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed waxaa uu ka kacay suuq ku yaal magaalada Jigjiga, waxaana mas’uuliyiinta Maamulka ay sheegeen inay baaris ku sameyn doonaan sababaha dabkaasi uu mar walba Suuqa uga kaco.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post