267 Views

Dacwad oogayaasha dowladda Comoros oo ka codsaday maxkamada in xabsi daa’in lagu xukumo madaxweynihii hore ee dalkaasi oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

Dacwad oogayaasha dowladda Comoros oo  ka codsaday maxkamada  in xabsi daa’in lagu xukumo madaxweynihii hore ee dalkaasi oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Dacwad oogayaasha dowladda Comoros, ayaa ka codsaday maxkamad in xabsi daa’in lagu xukumo madaxweynihii hore ee dalkaasi, Axmed Cabdullaahi Sambi, oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

Sambi, oo 64 jir ah, ayaa waxa uu madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay 2006-dii iyo 2011-kii, waxana uu xirnaa tan iyo 2018-kii, isaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Waxa uu wajahayaa eedeymo la xiriira in baasaboorka dalka uu ka iibiyay dadka aan la ogeyn cidda ay yihiin, oo ku nool wadamada Khaliijka.

Waxaa la isku dayay isagoo maqan in la maxkamadeeyo, kadib markii uu diiday inuu ka soo muuqdo maxkamada, sida uu sheegay website-ka Comoros Infos ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa loo qorsheeyay in la xukumo 28-ka bishan November ee sanadkan 2022-ka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post