2811 Views

Bisha Ramadaan Oo Sanadkaan Ku Soo Aaday Iyadoo 6.7 Malyan Oo Soomaali Ah Ay Baahanyihiin

Bisha Ramadaan Oo Sanadkaan Ku Soo Aaday Iyadoo 6.7 Malyan Oo Soomaali Ah Ay Baahanyihiin
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May 27, 2017——Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo u aadan bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta ay tahay maalintii ugu horeysay.

 “Sanadkan, bisha Ramadan waxay ku soo beegantay iyadoo 6.7 malyan oo Soomaali ah oo ay kamid yihiin boqolaal kun oo barakacayaal ah ay u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo abaarta darteed. Tani waxay ka dhigeysaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda laguna horumarinayo daryeelka ,” ayuu yiri danjire Keating.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeena ku aaddan bil nabdoon, faa’iido leh oo barakeysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment