1491 Views

Wargeys Soo Bandhigay Sawiradda Maydadka Weerarkii Hotelka Dusit & Caro Ka Dhalatay

Wargeys Soo Bandhigay Sawiradda Maydadka Weerarkii Hotelka Dusit & Caro Ka Dhalatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 16, 2019 –Dadka Kenyanka ee isticmaala Baraha Bulshadda waxay carro xooggan ka muujiyeen Wargeyska The New York Times oo soo daabacay sawiradda maydadka qaar ka mid ah dadkii ku geeiyooday Weerarka ka dhacayHotelka Dusit Complex ee ku yaalla Degmadda Westlands ee magaalladda Nairobi.

Sawirada waxaa ka mid muuqday maydad daadsan goob lagu qaxweeyo oo lagu magacaabo The Secret Garden Café, kuna dhex taalla dhismaha Hotelkaas.

Qaar ka mid ah Dadka Kenyanka ee isticmaala Baraha Bulshadda, gaar ahaan Twitter-ka  waxay ugu baaqeen Wargeyska NYT ee xaruntooda dhexe ku taalla Maraykanka inay tirtiraan sawiradda maydadka ay soo bandhigeen.

Kimiko de Freytas-Tamura oo gabar Kenyan wax ku qorta Wargeyska NYT waxay ka codsatay dadka Kenyanka inay caradooda si toos ah ugu diraan qeybta Sawiradda ee Wargeyska (The Photo Desk) iyo Xarunta Dhexe ee  Wargeyska New York Times.

Kimiko de Freytas-Tamura oo la sheegay in dhawaan laga dhigi doono Agaasimaha Xafiiska Wargeyskaasi ee Bariga Afrika waxay Barteeda Twitterka ku sheegtay inaysan iyada xulin sawiraddaasi, waxayna codsatay inay Kenyanka xanaaqooda la abaaraan  Waaxda Sawiradda ee Wargeyska NYT.

Mar kale ayey Twitter-keeda ku soo qortay: “Anigoo ku hadlaya magaca 2nytimes iyo @nytphoto waxaan raalli-gelin ka bixinayaa xanaaqiina ka dhashay sawirada lagu soo daabacay Warbixinteenna. Mahadsanidiin”.

Dhinaca kale, Mid ka mid ah dadka Kenyanka oo Barta Twitterka ku soo gala cinwaanka @wgkantai waxa uu Madaxda Wargeyska NYT weydiiyey:  Qiimaha uu iyagu u leeyahay inay soo daabacaan sawirada maydadka ee Nairobi ? iyo haddii ay soo daabici lahaayeen haddii uu weerarkaasi ka dhici lahaa magaalladda New York ?

Waxa uu sii raaciyey: “Ceeb ayey idiin tahay idinka iyo Wakaalladda Wararka AP oo  soo qaaday Sawiradda maydadkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment