669 Views

Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta oo kulan deg deg ah yeelanaya

Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta oo kulan deg deg ah yeelanaya
____________________________________________________________________________

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in Maanta oo Talaado ah Shir Degdeg ku yeeshaan Caasimadda dalka Qatar ee Doha.
Hadal ka soo baxay Golaha Ururka Jaamacadda Carabta dhawaan ayaa lagu shaaciyey in kulankan dib loogu eegi doono Dhacdooyinka u dambeeyey ee laga walaacsan yahay ee arrinta Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD.


Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xusaam Zaki oo la hadlay Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA waxa uu tilmaamay in Kulankaasi oo Heer Wasiir Arrimo Dibadeed ah uu yimid, kadib, Codsi ka yimid Dowladaha Masar iyo Sudan oo iyagu ka walaacsan inuu Biyo-xireenka Itoobiya saamayn xooggan ku yeelan doono Saamiga Biyaha ee ay ka heli jireen Webiga Nile.
Masar iyo Sudan waxay muddo dheer ka walaacsanayeen Saamiga Biyaha ay helaan, kadib, markii ay Itoobiya bilowday inay Biyo-xireen ka dhistaan Niilka Buluga ah bishii May ee sanadkii 2011-kii.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post