1572 Views

Hoggaanka ONLF oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jigjiga

Hoggaanka ONLF oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jigjiga
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 –Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka ONLF ayaa maanta gaaray Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Boqolaal ka mid ah Shacabka kunool Jigjiga ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay Jigjiga Wafdiga Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida.

Wafdiga ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Waddooyinka magaalada Jigjiga ayaa lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad degaanka Soomaalida.

Dhawaan ayay aheyd markii boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee jabhadda ONLF ay gaareen magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale.

Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada ka socda dalkaasi.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment