2064 Views

Suucidiga oo sheegay in uu qabtay gantaal ay saaka kurideen Xiitiyiinta Yemen

Suucidiga oo sheegay in uu qabtay gantaal ay saaka kurideen Xiitiyiinta Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2018 – Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay ka hortagtay Gantaal kuwa riddada dheer ah oo ay Xuutiyiinta Yemen saaka ku rideen Gobolka Jazan ee dalka Sucuudiga .

Afhayeenka Rasmiga ah ee howlgalka Sucuudiga ka wado Dalka Yemen Malik Turki ayaa sheegay in Ciidanka difaaca cirka Sucuudiga ay qabteen gantaal ay Xuutiyiinta ku rideen Gobolka  Jazan.

Waxaa uu sheegay in xalay 1:58 Daqiiqo ee AM, Xuutiyiinta ay Gobolka Sacda ee dalka Yemen ka tuureen Gantaalka,kaas oo ay Ciidanka difaaca cirka qabteen isaga oo aan wax khasaare ah geysan.

Jen Turki ayaa dowladda Iraan ku eedeeyay in ay Gantaallada riddada dheer siineyso Xuutiyiinta kuwaas oo iyana u adeegsanaya dagaalka ay kula jiraan Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo.

Dhowr jeer  oo hore ayey  Xuutiyiinta Gantaalo ugu rideen Sucuudiga waxaana ka mid ah meelaha ay bartilmaameed sadeen xarunta Dalka Sucuudiga ee Riyaadh,Garoonka Diyaaraha ee Boqor Cabdalla iyo meelo kale.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment