510 Views

Somaliland oo dib xuriyadooda u siisay 12 Wariyeyaal oo ku xirnaa Hargeysa

____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

13 bishaan April ee Sanadkaan 2022 ayey ahayd markii Xukuumadda Somaliland ay xirtay tiro Waryeyaal ah oo ka mid ah kuwa madaxa banaan ee ka howlgala Magaalada Hargeysa, xili ay ku guuda jireen tebinta shaqaaqo ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaaladaas.

Maanta ayey Somaliland siideysay Wariyeyaal gaaraya 12 suxufo, halka markii hore ay tiro ahaan ay ahaayeen 15 Wariyeyaal, balse Somaliland faah-faahin kama aysan bixin sababta aan dib loo siin Wariyeyaasha kale ee xiran ee gaaraya saddexda kuwaas oo kala ah Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Weriye kale.

Wasiirada Warfaafinta Somaliland Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in maanta dib xuriyadooda ay u heleen 12 wariye oo ka mid ahaa wariyeyaal lagu xiray shaqaaqadii ka dhacday Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, isagoo u mahadceliyay Madaxweyne Muuse Biixi, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, kuwaas uu sheegay inay ka qeyb qaateen in Wariyeyaasha dib u helaan xuriyadooda maanta.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Wariyeyaasha Saddexda ee wali xiran kuwaas oo laga reebay kuwa maanta la soo daayay, isagoo aheegay in Wariyeyaashaas ay wali u xiran yihiin falal dambiyeedyo ay galeen laguna qaadayo.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa markii la xiray Wariyeyaasha Warbaahinta u sheegay in  Saxafi kasta ee lagu helay  dambi uu galay islamarkaama sharciga la marsiin doono, isagoo Wariyeyaasha Madaxa banaan ee ka howlgala Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan waxkasta oo dhib keeni kara.

Xariga Wariyeyaasha ee Somaliland ugu geystay magaalada Hargeysa, waxaa siyaabo kale duwan u cambaareeyay Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, Ururada Saxaafadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland oo ay ku jiraan Xildhibaano.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post