864 Views

Meydadka caruur Walaalo ah oo la gala baxay kilyaha iyo beerka oo laga helay Duledka baydhabo

Meydadka  caruur Walaalo ah oo   la gala   baxay kilyaha iyo beerka oo laga helay Duledka baydhabo
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

Wararka ka imaanaya Magaalada badhabo ayaa sheegaya saakay in ay  ka jiryo xaalad ka duwan sidii hore.

Wararka ayaa sheegaya in la helay   Meydadka labo caruur ah oo uu dhalay xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaankii sagaalaad ee dalka.

Qoyska ayaa sheegay in Caruurtan la waayey shalay, xilli loo diray Dugsi Qur’aan, waxaana saakay Duleedka  baydhabo laga helay maydadkooda  isla-markaana loo dilay si arxan darro ah.

Sidoo kale Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in caruurtaasi oo kala ahaa gabar iyo wiil lagala baxay kilyaha iyo beerka, kadib qaliin lagu sameeyey.

Dhinaca kale laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post