732 Views

Ra’isul wasaaraha Ukraine oo sheegay tani iyo marki uu billowday duullaanka Ruushka Moscow iney burburisay waddooyin dhererkoodu gaarayo 25,000 oo km,

Ra’isul wasaaraha Ukraine  oo  sheegay tani iyo marki uu billowday duullaanka Ruushka Moscow iney burburisay waddooyin dhererkoodu gaarayo 25,000 oo km,
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

 Ra’isul wasaaraha Ukraine Denys Shmyhal ayaa sheegay tani iyo marki uu billowday duullaanka Ruushka Moscow iney burburisay waddooyin dhererkoodu gaarayo 25,000 oo km, boqollaal buundooyin iyo 12 giga oo kuwa diyaaradaha.

Denys oo BBC u warramay wuxuu sheegay inuu Ruushka burburiyey 100 goobaha waxbarashada, xaruumo caafimaad oo ka badan 500 iyo 200 oo warshadood.

“Ku dhawaad 35% wakhti xaadirkan dhaqaalaha dalka Ukraine ma shaqeynayaan. 30 -50% dakhliga sanadlaha ee Ukraine uu meesha ka baxay, firaaqa dhaqaale ee miisaaniyadda dalka ay bishi gaareyso $5 balyan oo doolar, qasaaraha guudna lagu qayaaso $600 oo balyan oo doolar” ayuu yiri.

Wuxuuna intaa ku daray ciidamada Ruushka dhul ka badan 300,000 km oo laba jibbaaran inay miino iyo waxyaaba kale ee qarxa ay ku aaseen.

Ugu dambeyn, Denys wuxuu sheegay dib u dhiska degdegga ah ee dalka Ukraine iney dowladda u qoondeysay lacag ka badan $50 balyan oo doolar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post