2265 Views

Duqa Muqdisho oo maanta kormeeray Imtixaanada D/Sare

Duqa Muqdisho oo maanta kormeeray Imtixaanada D/Sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeeray imtixaanada mideysan ee dugsiyada Sare oo maanta ka bilowday Muqdisho.

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Waxbarashada ayaa kormeeray Iskuullada ay imtixaanaadku ka socdaan, waxayna boggaadiyeen sida habsamida ah ee sanadkii saddexaad u socdaan Imtixaanku.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in maanta ay in ka badan 21,000 oo Ardey magaalada Caasimadda ah ugu fariistaan imtixaanka dugsiga sare oo lagu qaadayo 62 goobood oo ku yaalla Muqdisho.

“Waa guul in maanta 62 goobood oo ku yaalla Caasimadda uu ka dhacayo imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare, waxay tani muujinaysaa dedaalka wadajirka ah ee arrintan laga sameeyey iyo baahinta waxabarsahada mustaqbalka siday muhiim noogu tahay , dad waxbartey baa guul iyo horumar gaara, waxaan idiin rajeynaynaa guul, wejiyadiina farxad baa iiga muuqata waana guuleysanaysaan Insha Allaah.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo la hadlayay ardayda Imtixaanka u fadhida.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mudnaan gaar ah siiyey horumarinta waxbarashada asaasiga ah ee Caasimadda, si loola dagaallamo jahliga korna loogu qaadayada tayada dadka Soomaaliyeed.

gud-gobolka-imtixaanada-5 gud-gobolka-imtixaanada-4 gud-gobolka-imtixaanada-3 gud-gobolka-imtixaanada-2 gud-gobolka-imtixaanada-1

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment