861 Views

Maraykanka oo digniin ka soo saaray dagaalka sii xoogaysanaya ee Itoobiya

Maraykanka oo digniin ka soo saaray dagaalka sii xoogaysanaya ee Itoobiya
____________________________________________________________________________


Talaado: November 23, 2021

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka digay in sii hurinta dagaalka ka socda Itoobiya uu khatar ku yahay horumar kasta oo laga gaaro wada xaajoodka xabad joojinta.

Ka dib booqashadiisii Itoobiya, ayaa Jeffrey Feltman, waxa uu sheegay in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo fallaagada TPP ay u muuqdaan kuwo aaminsan in guul militari lagu kala calaf qaado.

Mr Feltman ayaa ka digay in haddii fallaagada Tigreegu ay u soo ruqaansadaan caasimadda, Addis Ababa, ay taasi noqon doonto musiibo iyo wax aan la aqbali Karin.

Iyadoo kooxda TPLF ay sheegtay in dagaalyahanadeedu ay ku soo wajahan yihiin Addis Ababa, ayaa Fransiiska iyo Jarmalku waxay noqdeen dalalkii ugu dambeeyay ee kula taliya in muwaadiniintoodu ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan Itoobiya.

Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qaramada Midoobayna ay bilowday daadguraynta shaqqalaha caalamiga iyo qoysaskooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post