816 Views

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladda cakiran ee doorashooyinka

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladda cakiran ee doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 27, 2022

Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay waxay ku dalbatay in si nabad ah ay ku qabsoonto doorashada Guddoonka golaha shacabka ee maanta lagu wado inay ka dhacdo teendhada Afisyoni.

Waxa ay soo sidoo kale qoraalkooda ku sheegeen inay soo dhoweeyeen doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada Aqalka Sare ee shalay la soo gabagabeeyay.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta.

“Soomaaliya waa inay si deg deg ah diiradda u saarto in si deggan oo kalsooni leh lagu soo gabagabeeyo hannaanka doorashada si madaxda saxda ah ee la doorto ay wax uga qabtaan arrimaha mudnaanta u leh qaranka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post