1128 Views

Madaxweyne Bashaar al-Assad iyo xaaskiisa Asma oo laga helay xanuunka Coronavirus, kadib markii baaritaan ay mareen.

Madaxweyne Bashaar al-Assad iyo xaaskiisa Asma oo laga helay xanuunka Coronavirus, kadib markii baaritaan ay mareen.
____________________________________________________________________________

9-da Marso 2021

Madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Assad iyo xaaskiisa Asma ayaa laga helay xanuunka Coronavirus, kadib markii baaritaan ay mareen.

Madaxtooyadda dalka Suuriya ayaa sheegtay in hadda xaaladda madaxweynaha iyo xaaskiisuba ay deggantahay, isla karkaasna ay is karin tiili doonaan ilaa saddex asbuuc.

Hay’adda Bisha Cas ee Suuriya waxaa ay sheegtay in kiisaska cudurka Coronavirus ay sare u kaceen todobaadyadii la soo dhaafay.

Dowladda Suuriya waxay sheegtay inay billowday tallaalka shaqaalaha caafimaadka ee safka hore, kadib markii ay heshay tallaaka cudurka Coronvirus oo ay ugu deeqeen dalal saaxiibo la ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post