468 Views

Rooble oo fariin u diray guddoomiye Muuse Geelle iyo Guddiga Doorashada

Rooble oo fariin u diray guddoomiye Muuse Geelle iyo Guddiga Doorashada
____________________________________________________________________________

Sabti: April 2, 2022

Ra’iisal wasaraaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Xusseen Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf ugu hambalyeey howsha bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, sida lagu sheegay farrin lagu baahiyay bogga Facebook ee ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku bogaadiyay xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, isaga oo sheegay inuu rajeynayo in howsha shahaado siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta xildhibaannadii shalay natiijooyinkooda uu shaaciyay guddiga heer federaal.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf ayaa xildhibaanada siiyay shahaadada xildhibaannimo ee ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post