2157 Views

Kumuu ahaa Marxuum Maxamed Sheekh oo shalay Muqdisho lagu dilay?

Kumuu ahaa Marxuum Maxamed Sheekh oo shalay Muqdisho lagu dilay?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 3, 2016 –  Rag hubeysan ayaa shalay duhurkii magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahan meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Banaadir waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo aad uga shaqeyn jiray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay mustaqbal wanaagsan sameystaan.

PM-tacsi

Wiilkan la dilay oo Da’diisa ay u dhaxeysay 20 ilaa 30 sano ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Sheekh Cali, wuxuuna ahaa wiil u dhaq dhaqaaqa dhalinyarada, wuxuuna waqtigiisa inta badan ku bixin jiray sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay ula imaan lahaayeen hal abuur ganacsi.

Allaha u naxariistee Maxamed oo aan shaqo ku laheyn arrimo siyaasadeed ayaa magaalada Muqdisho wuxuu ka aas aasay mashiinada dharka lagu meyro gaar ahaan gaar ahaan Suudadka, waxaana loo yaqaanaa (Laundry).

Dilkan ayaa waxaa aad uga naxay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada ay isku dhawaayeen Maxamed uu soo garab qabtay, waxaana sawirro laga soo qaaday Isbitaalka dhaawac ahaan markii hore loo geeyay ka muuqday dadweyne fara badan oo halkaasi buux dhaafiyay.

Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo uu dhalay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, hooyadiisna ay tahay Zahra Maxamed Axmed oo ka shaqaysa horumarinta haweeka madaxna ka ah ururka SWDC, ayaa waxa uu madax ka ahaa shirkadda Startp Grind oo ah shirkad dhalinyarada ku dhiiragelisa inay hal abuur sameystaan, Maxamed ayaa mar ku noolaa dalka Tanzania, wuxuuna waxbarashadiisa ku soo qaatay dalka Maleysia, balse Todobadii sano ee ugu dambeysay wuxuu ku noolaa magaalada Muqdisho.

Shirkadaha waa weyn ee ka hawlgala dalka ayuu ku guubaabin jiray inay taageeraan dhalinyarada Soomaliyeed, si dalkooda iyo nafsadoodaba ay wax u taraan, mustaqbalkoodana aanu mugdi u gelin.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada gobolka Banaadir Makaraan ayaa waxa uu sheegay in Maxamed uu ka mid ahaa dhalinyarada u istaagtay in Muqdisho ay ganacsi ku sameystaan, islamarkaana uu fursado siiyay dhalinyaro aad u badan oo aan waxba meel ku ogeyn, Makaraan ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay wax ka qabato dilalka dhacaya gaar ahaan dhalinyarada mustaqbalka leh ee dalka wax tari kara.

“Runtii Maxamed waala la dilay xilli uu meel dhiganayay gaari uu watay, rag u dhawaa ayaa rasaas ku furay, dhaawac ahaan ayaa loo qaaday balse isbitaalka ayuu ku geeriyooday, waxaan kuu xaqiijinaya ilaa Afar xabadood inay ku dhaceen, qaarkood ay caloosha ka haleeleen, Maxamed wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad loo jeclaa”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarad gobolka Banaadir Makaraan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay dilkan ayaa waxa uu sheegay hadii maalin walba la dilo qof qiimo leh oo loo arko wax caadi ah inuu dhimanayo Ubaxii dalka, Hay’adaha ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday inay isla shaqeeyaan si loo bad baadiyo Ubaxa dalka.

Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay waxaa aad loogu hadal hayaa dilka loo geystay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa qof aan waxba galabasan, waxaana dadka ay uga hadlayaan si dareen leh, Hay’adaha ammaanka ayay ka dalbadeen inay gacanta ku soo dhigaan dableyda dishay wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment