1128 Views

Waa kuma bilyaneerka 70 jirka ah ee xukuma Dubai loona haysta afduubka gabdhihiisa?

Waa kuma bilyaneerka 70 jirka ah ee xukuma Dubai loona haysta afduubka gabdhihiisa?
____________________________________________________________________________


February  25, /2/ 2021

Sheekh Maxamed bin Rashid Al Maktoum waa bilyaneer 70 jir ah oo xukuma Dubai, waana madaxweyne ku xigeenka waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wuxuu soo caan baxay kaddib markii uu hormuud u noqday isbaddalkii dhinaca dhaqaalaha ee Imaaraadka, uuna goob joog u ahaa kobaca ganacsiga iyo dalxiiska.

Meelo kalena dabcan waxaa magaciisa looga yaqannaa tartamada fardaha, maadaama uu leeyahay kooxda tarmada noocaas ah ku xeel dheer ee lagu magacaabo (Godolphin).

Hadda wuxuu mar kale hadal heynta warbaahinta caalamka qabsaday kaddib markii ay maxkamad sare oo fadhigeedu yahay magaalada London ku heshay dambi ah inuu afduubtay labo gabdhood oo uu isagu dhalay, uuna si khasab ah ugu celiyay magaalada Dubai, sidoo kalena uu handadaado badan u jeediyay xaaskiisii hore, Princess Haya bint Xuseyn.

Maxamed bin Raashid Al Maktoum wuxuu sannadkii 1949-kii ku dhashay gobolka Shindagha ee Dubai, waana da’da saddexaad ee carruurta afarta ah ee uu dhalay Sheekh Raashid Bin Saciid.

Aabbihiis sheikh Rashid wuxuu xukunka imaaradda Dubai hayey intii u dhexaysay 1958 iyo 1990, waxaana imaaraddaas si gaar ah u ilaaliya Ingiriiska marka loo eego imaaradaha kale ee Khaliijka.

Maxamed Bin Raashid wuxuu waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku dhammaystay Imaaraadka, asagoo dugsigiisa sare dhammeeyey sannadkii 1965-tii.

Sannad ka dib wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska asaga iyo ina adeerkiis, Sheikh Mohammed bin Khalifa Al Maktoum, si uu u soo barto luuqadda Ingiriiska, wuxuuna ku biiray Iskuulka Luuqadaha ee Bell oo kuyaal Cambridge.

Markii uu dhammaystay barashada afka Ingiriisiga, wuxuu ku biiray kulliyadda ciidmaada Britain ee Munz, halkaas oo uu ka soo qaatay koorso lix bilood ah.

Maxamed bin Raashid wuxuu ka mid noqday dadkii bud dhigga u ahaa mashruucii lagu dhisay dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo ka koobnayd gole ay ku midaysan yihiin Imaaraadkii Carabta ee heshiiyey, waxaana xigay heshiis kii ay sannadkii 1968-dii ku midoobeen amiirkii hore ee Abu Dhabi sheikh Saayid bin Suldan iyo amiirkii hore ee Dubai Sheekh Raashid, tallaabadaas oo la oran karo waxay gogol xaar u ahayd dhismaha Isutagga Imaaradka.

Sannadkii 1969 ayaa Maxamed bin Raashid wuxuu madax ka noqday booliiska iyo ammaanka guud ee Imaaradda Dubai, waana xilkii dawladeed ee ugu horreeyey ee uu qabtay.

Sannadkii 1971-dii, waxaa xeebta Jumayra ee Dubai lagu saxiixay dastuurkii ugu horreeyey ee ku meel gaarka ah si loo dhiso dawlad ay leeyihiin Isutagga Imaaraadka Carabtu.

Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale kaalin weyn ka qaatay qorshihii aabihiis uu ku hormariyay wax soo saarka saliidda iyo xoojinta dhaqaalaha, kaasoo Dubai ka dhigay meel xuddun u ah ganacsiga adduunka, ayna kusoo hirtaan dalxiiseyaasha.

Maanta, in ka badan 95% ka mid ah dhaqaalaha usoo xarooda Imaaraadka Carabta waa mid ka madax bannaan ganacsiga saliidda, dalxiiska oo kaliya ayaana ah 20%

Dadka ku nool Dubai ayaa sidoo kale kordhay. Sanadkii 1960-kii dadweynaha Dubai waxay ahaayeen qiyaastii 40,000 oo ruux, halka ay hadda ka yihiin ilaa 3.3 malyan oo qof, kuwaasoo ku dhawaad 3.1 malyan oo ka mid ah aysan u dhalanin Imaaraadka.

Badankood dadkan waxay daggan yihiin boqollaalka dabaq ee dhaadheer ee ku yaalla magaalada Dubai.

Sanadkii 1990-kii, Sheekh Rashid ayaa geeriyooday kaddib markii uu muddo dheer xanuunsanaa. Waxaa xilka la wareegay Maxamed walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabi jiray Maktoum.

Shan sano kaddib, Sheekh Maktoum wuxuu walaalkiis Maxamed u magacaabay dhaxal sugaha xukunka boqortooyada ee Dubai. Wuxuu sidoo kale u dhiibay maamulka maalinlaha ah ee Imaaraadka.

Maalmihii xigayna waxaa la soo dhisay golo wasiirro oo uu madax ka ayhaay Sheekh Maktoum, wuxuuna walaalkiis u dhiibay wasiirka difaaca, wuxuuna noqday wasiirkii difaaca ee ugu da’da yaraa caalamka ee xilligaas.

Go’aanadii ugu adkaa ee uu qaatay in uu wasiiirka difaaca ahaa waxaa ka mid ahaa in ciidamo Isutagga Imaaraadka ka socda ay ka qayb qaataan xulufadii uu Maraykanku hoggaaminayey ee ciidmada Ciraaq looga saarayey dalka Kuwait sannadkii 1990-kii.

Dubai ayaa noqotay xarun ganacsi iyo mid dalxiis intii uu talada hayey Sheekh Raashid, kaas oo wiilashiisii u dhiibay mashaariic fara badan oo horumarineed.

Hawliii uu u xilsaaray wiilkiisa Maxamed waxaa ka mid ahaa in uu dhiso dekad ay doonyuhu ku xirtaan, iyo in uu madax ka noqdo guddiga madaarka Dubai ee caalamiga ah, iyo sidoo kale shirkadda shidaalka Dubai, oo loo arko isha Dhaqaalaha ugu weyn ee imaaraddaas.

Markii uu geeriyooday Sheikh Raashid sannadii 1990, waxaa xukunka kala wareegay Sheekh Maktoum.

Sannadkii 2006-dii ayaa Maxamed Bin Raashid wuxuu qabtay xukunka Imaaradda Dubai, ka dib markii oo uu dhintay walalkiis Maktoum Aala Makhtoum.

Sida uu lagu daabacay majaladda Forbes, hantida amiirka Dubai waxay hoos ugu soo dhacday 6 bilyan oo dollar sanaddkii 2009-kii, sababo la xiriira qalalaasihii Dhaqaalaha caalamka, waxaana “hantidiisa haatan lagu qiyaasaa 4 bilyan oo dollar” sida laga soo xigtay hay’adda Business Insid

Sheekh Maxamed wuxuu jacaylkiisa fardaha la wadaagay xaaskiisa lixaad, Princess Haya bint al-Xuseyn, oo ah gabadha uu dhalay boqorkii geeriyooday ee dalka Urdun, islamarkaana ah Boqor Cabdalla walaashiis.

Lamaanaha waxay is waxay magaalada Camaan ee waddanka Urdun isku guursadeed sanadkii 2004-tii, waxayna isu dhaleen labo carruur ah oo la kala yiraahdo Al Jalila iyo Zayed.

Balse xiriirkooda qoys ahaaneed oo markii hore aad u wacnaa wuxuu mugdi soo galay sanadkii 2018-kii, markaasoo ay Sheikha Latifa, oo ah gabar ay xaas kale u dhashay Sheekh Maxamed isku dayday inay ka baxsato imaaraadka, iyadoo garab ka heleysa jaajuus Faransiis ah iyo macallin dhinaca jimicsiga ah oo u dhashay Finland.

Doon ay saarnaayeen ayaa lagu qabtay meel u dhow xeebta Hindiya, dib ayaana loogu celiyay Dubai. Muuqaal ay iska duubtay inta aan gacanta lagu dhigin ayey ku sheegtay inay xabsi ku jirtay muddo saddex sano ka badan, loona geystay tacaddiyo dhinaca jirka ah, kaddib markii ay ku guul darreysatay isku day baxsasho ah oo ay sameysay sanadkii 2002-dii.

Dadka u dooda Sheekha Latifa ayaa sheegay in lagu hayay xabsi guri. Laakiin Dowladda Dubai ayaa ku adkeysatay in Sheekha Latifa ay kahar ugu jirtay in la waxyeelleeyo, laakiin markii dmabe amnigeeda dib loo sugay.

Princess Haya waxay iska aqbashay bayaankii xilligaas kasoo baxay dowladda. Laakiin bishii April, 2019-kii, kaddib markii ay Dubai ka baxsatay, iyadoo Jarmalka kaddib UK usii gudubtay, carruurteedana ay la socdeen, waxaa soo baxay warar sheegaya inay heshay xog cusub oo ku saabsan Sheekha Latifa.

Sheekh Maxamed kama uusan hadli burburka ku yimid guurkiisa, balse wuxuu qoray gabay caro ka muuqato oo uu ku waday haweeney uusan magacaabin, taasoo uu ku tilmaamay “Mid khiyaano sameysay”.

Bishii July ee sanadkii hore, Princess Haya waxay maxkamad UK ku taalla ka dalbatay in si khasab ah looga furo seygeeda, Ilmahana loogu sharciyeeyo inay iyada kaliya la noolaadaan.

Dhanka kalena, Sheekh Maxamed ayaa maxkamad ku taalla Dubai ka diiwaan galisay dacwad uu ku doonayo in carruurta dib loogu soo celiyo.

Siddeed bilood kaddib, maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay London waxay soo saartay xukunno isdaba joog ah oo xaqiiqo raadin ah.

Waxay maxkamaddu ugu dambeyn soo saartay hadal ay ku sheegtay in Sheekh Maxamed uu gabadhiisa Latifa labo jeer si khasab ah ugu celiyay Dubai, sanadihii 2002-dii iyo 2018-kii, sidoo kalena uu afduub aan sharciga waafqsaneyn u geystay walaasheed Sheekha Shamsa, sanadkii 2000.

Sheekha Shamsa waxay sanadkii 2000 ka baxsatay guri ay qoyskeeda ku leeyihiin UK laakiin waxaa magaalada Cambridgeshire durba qabtay wakiillo ay soo dirsatay Dowladda Dubai.

Codsi ay booliska Cambridgeshire ku dalbadeen inay tagaan Dubai, si ay baaritaan usoo sameeyaan, ayaa lagu gacan seyray.

Maxkamadda London ayaa sheegtay in Sheekh Maxamed uu wali wado fal uu labada gabdhood uga hor taagan yahay xorriyaddooda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post