3537 Views

WARSAXAAFADEED: Aragti Xisbiyada ee shirka Turkiga, caburinta dadka reer Banaadiriga iyo warbaahinta

WARSAXAAFADEED: Aragti Xisbiyada ee shirka Turkiga, caburinta dadka reer Banaadiriga iyo warbaahinta
____________________________________________________________________________

Walaalayaal  xisbiyada Soomaaliyeed  waxay shir ka yeesheen dhowr qodob oo ay ka mid tahay

1- Shirka Turkiga iyo habacsanaanta ay madaxdeena ku tageen iyo aragti la’aanta.
2- Caburinta Warbaahinta iyo
3- Caburinta reer Banaadiriga
C/qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij | Gudoomiyaha Xisbiga Kulan

Jamhuuriyada Soomaaliya | Xisbiyada Soomaaliyeed

WARSAXAAFADEED

ARAGTI XISBIYADA EE SHIRKA TURKIGA, CABURINTA DADKA REER BANAADIRIGA  IYO WARBAAHINTA

Muqdisho | Febraayo 23, 2016 – Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya oo maantay shir gaara  ku yeeshey Hotel Saxafi, waxay soo dhaweeyeen Shirka Dowladda Turkiga ay marti galisey ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo. Annagoo aaminsan in Dowladda Turkigu ay daacad ka tahay taakuleynta, garb-istaagga iyo dib u dhiska Soomaaliya, si dalkeenu u noqdo mid cagahiisa isu taaga oo isku filnaan dhinac kasta ah gaara.

Inkastoo Dowladda Turkiga ay niyadsami ka tahay martigalinta Shirkaas, haddana Madaxda dawladda Soomaaliya ee la casumay ma xambaarsana dareen iyo aragti ka turjumeysa xaaladda siyaasadeed ee dalka. Xisbiyadu waxay u arkaan in ay tahay wax laga xumaado in mar qura mas’uuliyiintii qaranku ay ka wada tagaan wadanka, iyadoo uu dalku ku jiro xaalada Amni-darro, iyo deganaansho la’aan siyaasadeed, ka dib markii uu fashil ku soo dhammaadey shirkii u danbeeyey ee Madashii Wadatashiga Qaranka, sababna ay u tahay damaca siyaasadeed ee uu ku doonayo Madexweyne Xasan Shiikh Maxamud inuu dib xukunka ugu soo laabto, asagoo sameynaya isku dayo uu ku doonayo inuu ku marooqsado hanaanka doorashada 2016 uuna la kali noqdo maamulkeeda.

xisbiga-kulan-shirka-istanbul-4

Isbarbaryaaca madaxda dalka iyo hal mar faarujinta xafiisyadoodii waxey calaamad u tahey kala aamin-bax dhexdooda ah iyo is-matilad la’aan, tanoo ka dhigan in mas’uul kastaa uu u ekaanayo mid shirka ku matalaya jufo hoosaadkiisa, Arintaanoo ku dhalisay Shacabka Soomaaliyeed rajo beel iyo wal-wal hor leh.

Waxaan kaga digeynaa beesha caalamka inaysan ku kadsoomin marin-habaabinta ula kaca ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka sheegeyso xaalada dhabta ah ee wadanku ku sugan yahay iyo guulaha waxqabad ee ay sheeganeyso, ayadoo la ogyahey fashilka ka soo waajahey dhinacyada amniga, siyaasadda, daahfurnaanta dhaqaalaha iyo dawladnimo wanaagga. Waxaana ku wargalineynaa Beesha Caalamka in Soomaaliya aysan xal u noqonaynin mashruuc dhowr qofood oo aragti qaran aan xambaarsaneyn ay wataan, loona baahan yahay in la qabto Shirweyne Qaran oo looga tashanayo nidaamka Siyaasiga ah ee Hiigsiga 2016, si looga gudbo marxaladan cakiran ee ay wadanka galiyeen hogaamiyaasha hadda jooga.

xisbiga-kulan-shirka-istanbul-6

Waxaan kaloo ugu baaqeynaa Beesha Caalamka inay cadaadis ku saarto madaxweyne Xasan Shiikh inuu faraha kala baxo maamulka iyo faragalinta habka doorashada 2016, maadaama uu yahay musharax u u taagan xil madaxweyne, wax kaslooni ahna aan lagu qabi doonin hanaanka doorashada haddii uu gacanta u galo, taasina ay horseedi karto kala googo iyo xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo hor leh. Sidoo kale, waxaan Beesha Caalamka ogeysiinaynaa inaan layska indha tirin dowrka Asxaabta siyaasadeed ay ku leeyihiin geedi socodka siyaasada.

Dhanka kale xisbiyadu waxey dhalleeceynayaan falalka dawladda Soomaaliya ay ku cunaqabateyneyso xoriyatul qawlka isla markaana ay ku xirtey labaatan website in ka badan, falkaasoo ka marqaati kacaya wajiga kali-talisnimo ee dhabta ah ee hogaanka hadda jooga, kaasoo ku qarinaya fashilkiisa siyaasadeed caburinta saxaafadda, hanjabaadda siyaasiyiinta iyo xirxiridda muwaadiniin ra’yigooda iyo dareenkooda waxa ka jira dalka muujiyey, waxaana ku baaqeynaa in laga qaado xayiraadda website-yadaas, siyaasiyiinta loo xirey ra’yigoodana ee uu ka mid yahey mudane Cumar Shariif Guddoomiye ku xigeenka Isbaheysiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed in degdeg loo sii daayo . Barlamaanka DFS iyo maxkamadda sare ee dalka waxaan ugu baaqeynaa iney difaacaan xuquuqda muwaadiniinta lagu xadgudbayo, ayna qaadaan  tallaabooyinka sharci ee haboon.

xisbiga-kulan-shirka-istanbul-5

Ugu danbeyntii waxay isku raaceen mas’uuliyiinta Xisbiyada ka qeyb-galay shirkan in loo baahan yahay in la wacyi geliyo bulshada Soomaaliyeed si looga gudbo nidaamkan qabaliga, musuqmaasuqa iyo fikirka xag-jirnimada.

###

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment