1065 Views

Isu soo bax kooxaha diimaha ay ku qaban lahaayeen Qudus oo la baajiyay shalay

Isu soo bax kooxaha diimaha ay ku qaban lahaayeen Qudus oo la baajiyay shalay
____________________________________________________________________________

June 8 2021

Qabanqaabiyeyaasha isu soo bax ay kooxaha diimaha israa’iil ku qabanayaan Qudus ayaa la baajiyay, kaddib markii booliiska uu diiday qorshahoodii ahaa inay dhex maraan aagga Muslim Quarter ee magaalada qaddiimiga ah.

Waxaa jiray walaac baahsan oo haddii isu soo baxu u qabsoomo sidii loogu talagalay Khamiisti, uu kicin karo waji cusub oo dagaal ah. Wax yar kahor inta aan la joojin, ayaa ku xigeenka hogaamiyaha ururka Xamaas, wuxuu ka digay koror cusub, haddii uu dhaco.

Mar sii horreysay, xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil, ayaa sheegay inuusan faragelin doonin arrinta qoysaska Falastiiniyiinta ah ee ku nool degmada Sheekh Jarrah, taas oo macnaheedu yahay in ka saaristoodu ay u badan tahay inay dhacdo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post