498 Views

Gollaha amaanka QM oo mudo kordhin u sameeyay Howlgalka QM ee Liibiya.

Gollaha amaanka QM oo mudo kordhin u sameeyay Howlgalka QM ee Liibiya.
____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar lagu mudada loogu kordhinayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ilaa 30-ka April.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2619/2022 ku tilmaamay in howlgalka Qaramada Midoobay ee Libya uu hogaamiyo ergay gaar ah, waxaana goluhu uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ka dalbaday in uu soo magacaabo ergay gaar ah sida uu dhigayo goaamada kasoo baxay Shirka golaha ammaanka.

Codeynta Golaha Ammaanka ayaa timid kadib markii ay is afgaran waayeen xubnaha Golaha, iyadoo Ruushka uu xaqiijiyey inay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo daro faqrad magacaabista ergayga gaarka ah ee Libya, halka mashruuca ay Britain soo jeedisay oo Maraykanku taageeray uu dhigayey in la kordhiyo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ilaa bartamaha Sebtembar iyada oo aan la sheegin baahida loo qabo in loo magacaabo ergeyga cusub.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post