219 Views

Gudoomiye Cali Jayte “ dadka deegaanka waxaan u sheegaynaa inay ka fogaadaan meelaha ay haatan isku uruursanayaan AShabaab

Gudoomiye Cali Jayte “ dadka deegaanka waxaan u sheegaynaa inay ka fogaadaan meelaha ay haatan isku uruursanayaan AShabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: DECEMBER 20, 2022

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo warbaahinta kula hadlay jiidda hore ee dagaalka ayaa diray digniin ku aadan howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolkaasi.

Cali Jayte ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay haatan isku uruursanayaan xoogaga AShabaab, isaga oo sheegay inay bartilmaameedsan doonaan.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u carab baabay deegaanada kala ah Ceel God iyo Ceel Boore oo ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa sida madaxweynaha jamhuuriyaddu ugu dhowaaqay deegaamada ay dagan yihiin nimankan shayaadiinta ah ee Al-Shabaab in laga fogaado. Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay nimankaa joogaan waa inay ka fogaadaan, qaasatan deegaanka Ceel God, Ceel Boore iyo meelaha la mid ah” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka go’an tahay inay burburiyaan meelaha ay haatan ku dhuumaaleysanayaan xoogaga hubeysan, si looga saaro dhulka howdka ah.

“Nimankaas waa nooc faris ah, waxayna rabaan inay dadka ku dhex dhuumaaleystaan, annagana waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed uu badbaado, iyagana aan burburino haddii Alle Idmo,” ayuu markale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu sida weyn uga socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo inta badan looga saaray gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa iska kaashanaya howllgallada haatan socdo, kuwaas oo ah kuwii ballaarnaa ee abid lagu qaado kooxda Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post