675 Views

Taliyihii Garoonka Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabadsugida oo saakay ku dhintay Guriceel.

Taliyihii Garoonka Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabadsugida oo  saakay ku dhintay Guriceel.
____________________________________________________________________________


Axadi: October 24, 2021

Dagaal kooban ayaa saakay mar kale Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ku dhexmaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, xili ay weli halkaas ka jirto xiisad Colaadeed.

Dagaalkan oo bilowday waaberigii hore ee saaka oo Axad ah ayaa sigaar uga dhacay halka loo yaqaano Labiga Qoryaha illaa Masjidka Weyn ee Jaamaca oo aad ugu dhow Suuqa weyn ee degmada Guriceel, waxaana inta uu socday la maqlayay rasaas xoog leh.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaalkii saaka uu ku dhintay Taliyihii Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabadsugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye oo kamid ahaa Ciidanka Galmudug ee dagaalka la galay Ahlusunna.

Ciidamadda dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa Isgoyska Tuulo Gaban ee dhanka Waqooyi ee Magaaladda oo saaka lagu arkay, waxay sidoo kale ku sugan yihiin Xarunta degmada, Saldhiga Booliska ilaa halka loo yaqaano Beder One.

Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo gurmadyo kala duwan helaya ayaa iyaguna jooga wadada isku xirta Labiga Qoryaha ilaa Schoolka Al-ma’muun, Isbitaalka Istarliin ilaa halka loo yaqaan Jaamacadda oo dhacda Beriga degmadda Guriceel.

Si kastaba Khasaaro aada u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana dagaalada ku dhintay Saraakiil Ciidan, Askar iyo dad shacab ah oo rasaas haleeshay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post