264 Views

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo shaaciyay in ciidamada amaanka oo soo xiray macalin dugsi Qur’aan oo lagu edeeyay in uu kufsi u geystay saddex gabdhood oo yar yar

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo shaaciyay in ciidamada amaanka oo  soo xiray  macalin dugsi Qur’aan oo lagu edeeyay in uu kufsi u geystay saddex gabdhood oo yar yar
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 17, 2022

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka ay maanta soo xireen macalin dugsi Qur’aan oo lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay saddex gabdhood oo yar yar.

Gabdhaha loo haysto macalinka dugsiga in uu kula kacay kufsiga ayaa labo kamid ah da’dooda ka yar tahay 10-sanno jir.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in macalinka uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Dhuusamareeb.

“Taliska Boliiska Galmudug gaar ahaan saldhiga degmada Dhusamareeb ayaa ku guuleystay soo qabashada Edeysane Shuceyb Cabdi Maxamuud 27 jir macalin dugsi ah oo 3 gabdho oo labo ay yihiin 9 jir midna ay tahay 7 jir kufsi u geystay,” ayey tiri Jeneraal Zakiya.

Waxay sii raacisay qoraalkeeda “Waxaana u mahad-celineynaa bulshada sida hufan nagala shaqeysay soo qabashada eedeysanaha. Bulsho iyo boliis is kaashado waxeey ka hortagi karaan balo walba.”

Dhacdadaan kufsiga ah ee lagu eedeeyay macalinka dugsiga ayaa noqotay mid bulshada aad uga argagaxeen, waxayna hadal heyn badan ka dhalisay Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post